Home Wararka Gudaha Laamaha Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay Burcad hubaysan

Laamaha Amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay Burcad hubaysan

82
0

Axad 10-ka July 2022, (Muqdisho-xog-ogaal) Laamaha Amniga degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa xalay hawlgal qorshaysan ku qabtay burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado ka tirsan degmadaas, qoraal ka soo baxay maamulka degmada Dayniile ayaa looga hadlay hawlgalkaas lagu qabtay burcadda hubaysan oo qaarkood ku labbisnaa dharka ciidamada dowladda.

“Anagoo ka jawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa ka fuliney Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah” ayaa lagu yiri qoraalka, kooxda gacanta lagu dhigay oo gaarayay 5 dhalinyaro ah ayaa waxa cabasho ka keenay shacabka xaafadaha degmada Dayniile sida uu sheegay maamulka degmadaas.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.