Home Wararka Gudaha La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, Professor Peter Kagwanja:-Muranka xuduud-baddeedku kenya iyo soomaaliya...

La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, Professor Peter Kagwanja:-Muranka xuduud-baddeedku kenya iyo soomaaliya waa khatarta Deganaanshaha…

235
0

(Nariobi-Xog-ogaal) Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa  shalay lagu soo daabacay Maqaal Aragtiyeed uu qoray Professor Peter Kagwanja  oo ahaa La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, haatan ka tirsan Machadka Siyaasadda Afrika ee Kenya, kaasi oo uu kaga hadlay Muranka xuduud-baddeedka iyo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay in Muranka xuduud-baddeedku tahay cabsida ugu cusub ee khatarta Deganaanshaha iyo dib-u-soo-kabashadda Somalia iyo Nabadda Geeska Afrika,isaga oo ku dooday in xiisadda labada dal ay  sare u sii kaci doonto, maadaama ay foodda nagu soo hayso Xukunka la filayo inay ku dhawaaqdo Maxkamadda Calamiga ah ee ICJ  kaas oo lagu wado in lagu dhawaaqo bisha September ee sanadkan 2019-ka.

La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, Professor Peter Kagwanja Waxa uu intaasi sii raaciyey in Muranka labada dal inuu noqdo Aaggii ugu cusbaa ee Wax-soo-saarka shidaalka ee Qarnigan 21-aad.

Dhinaca kale, Maqaal Aragtiyeed uu qoray Professor Peter Kagwanja  oo ahaa La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya, haatan ka tirsan Machadka Siyaasadda Afrika ee Kenya waxa uu soo hadal qaaday inay Khubarada ku sugan gudaha Kenya meesha ka saareen suurto-galnimadda  inuu Guddoomiye-xigeenka Maxkamadda ICJ, Garsoore C/qawi Axmed Yuusuf oo ah Muwaadin Soomaali ah uusan guddoomin doonin Kiiska dacwadda ee Somalia iyo Kenya, balse , Aragtidiisa waa xaqiiqo, waa sida uu hadalka u dhigay La-taliyihii hore ee Dowladda Kenya.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here