Home Wararka Gudaha La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh: Deni, waa ninkii 60 xildhibaan soo qortay...

La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh: Deni, waa ninkii 60 xildhibaan soo qortay haddana aan ku kalsoonayn

24
0

Arbaco 22-ka MAY 2024, (Mogadishu-xog-ogaal) La taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu miiska wada xaajoodka uga maqan yahay arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah, la taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh, waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu soo qortay madaxweyne Deni ay iyagu gacmaha u taageen wax ka baddalka dastuurka dalka, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu yahay, nin u muuqda inuu isagu kaligiis isla saxan yahay.

“Ninkii 60 xildhibaan gacantiisa kusoo qortay, ma dhihi karo, “anigaa dowladnimada idinka aqoon badan”. Miyaad maqashay cid katirsan baarlamaanka oo Puntland kasoo jeedda oo wax diiddan,” ayuu yiri Xuseen Sheikh Maxamuud.

Xuseen wuxuu sheegay arrimaha dastuurka marka la joogo in labada aqal ee baarlamaanka ay yihiin cidda iska leh awoodda arrimaha dastuurka. Wuxuu u sheegay dowlad goboleedyada in ay ku kalsoonaadaan xildhibaanada labada aqal ay soo dirsadeen.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.