Arbaco 1-da February 2023, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Waxaa Maanta oo arbaco ah lagu doortay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim oo loo doortay xildhibaanka kursiga Hop147, kadib markii ay u tanaasushey musharaxii la tartamaysay ee Aamino Tahliil Warsame.
Gudoomiyaha Gudiga KMG ee Doorashada kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey in Ilyaas Sheekh kursigan uu ku guulastyay Codad gaaraya 86-xubnood oo ergadiii codeyneysay ah, kursigan oo uu hore u baneeyay taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa la iska sii ogaa natiijadiisa iyo inuu kusoo bixi doono shaqsigan loo xiray oo gadaal uu ka riixayay taliye Mahad, xildhibaan Ilyaas oo hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa balanqaaday inuu ka shaqeyn doono danaha dadka uu baarlamaanka ku metelo beesha, isagoo u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ku leheyd guushiisa.