Home Wararka Gudaha Kursigii ugu horeeyay oo ka mid ah kuraasta taala degmada Ceelwaaq oo...

Kursigii ugu horeeyay oo ka mid ah kuraasta taala degmada Ceelwaaq oo goordhaw la doortay

93
0

Jimce 22-da April 2022, (Ceelwaaq-xog-ogaal) Waxaa goordhaw lagu qabtay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo doorashada kursigii ugu horeeyay ee ka midka ah 16-ka kursi ee ku harsan doorashadooda maamulka Jubbaland, kursiga goordhaw la doortay oo tirsigiisu yahay HOP 119 ayaa waxaa ku soo baxay doorashadiisa Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo ah wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana horay ugu fadhiyay kursigaan, waxaana u tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahin.

Goobta ay ka dhacday doorashada kursigaan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada heer Fedaraal Muuse Geelle iyo ku xigeenkiisa Mowliid Mataan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan guddiga doorashada Jubbaland, wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in Maanta lagu dooran doono degmada Ceelwaaq ilaa 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.