Home Wararka Gudaha Kulan ku saabsan sugida Amniga gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka dhacay

Kulan ku saabsan sugida Amniga gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka dhacay

242
0

Sabti 21-ka May 2022, (Galkacyo-xog-ogaal) Gudoomiyaha gobolka mudug mudane Axmed Bukhaari ayaa kulan deg deg ah oo ku saabsan sugidda amniga gobolka Mudug waxaa uu la qaatay Saraakiisha ciidanka, kulankaan waxaa kasoo qeyb galay taliska qeybta booliska gobolka, kan degmada, gudoomiye ku xigeenka degmada eng Maxamed cabdi cilmi iyo saraakiisha ciidamada xasilinta gobolka mudug, kuwaas oo door muhiima ka qaata sugista amni gobolka Mudug.

kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa fal-dabiyeedyada amniga ka dhanka ah ee saacadihidii ugu danbeeyay ka dhacay degmada gaalakcyo, gudoomiyaha ayaa gobolka ayaa ka codsaday saraakiisha ciidanka in gacanta lagu soo dhigo kooxo hubeysan oo shalay labo ruux ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.