Home Wararka Gudaha Kulan degdeg ah oo laga yeeshay amniga Jowhar kadib qaraxyo ka dhacay

Kulan degdeg ah oo laga yeeshay amniga Jowhar kadib qaraxyo ka dhacay

163
0

Isniin 8-da August 2022, (Jowhar-Xog-ogaal) Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa shir gudoomiyey kulanka amniga oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada booliska Hirshabelle ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, kulanka oo lagu qabtay magaalada Jowhar  ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar oo maalmihii la soo dhaafay ay qaraxyo ka dhacayeen.

Dhammaan saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa waxay warbixino guud ka siiyeen guddoomiyaha howlgalada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS ay ka sameeynayeen degaannada Hirshabeelle, guddoomiyaha maamulka gobolka ayaa laamaha amniga faray in la kordhiyo howgallada looga hortagayo falalka amni darada iyo qaraxyada ee ka dhacaya magaalada Jowhar, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen madax iyo shacab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.