Home Wararka Gudaha kulamo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka galmudug oo ka socda Dhuusa-mareeb

kulamo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka galmudug oo ka socda Dhuusa-mareeb

314
0

(Dhuusa-mareeb –Xog-ogaal) ─ Kulamo lagu qancinaayo dhinacyadda iska soo horjeedda ee maamulka Galmudug ayaa ka socda magaalada Dhuusa-mareeb oo ah caasimadda maamul-goboleedka Galmudug.

Kulamaddan ayaa u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], madaxa xukuumadda Galmudug, Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa illaa xalay kulammo la qaadanayay madaxda Galmudug iyo macallin Maxamuud, iyadoo kulammadaas looga hadlay sidii doorasho uga dhici lahayd Dhuusa-mareeb.

Sidoo kale, Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo wafdiga DF ee gaaray magaalada Dhuusa-mareeb iyo waxyaabaha la isku af-gartay intii ay socdeen kulammada kala duwan ee looga hadlayay xaaladda Galmudug.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta maamulka Galmudug iyo waxgaradka ayaa laga soo xigtay in dowladda dhexe ee Somalia ay dooneyso in Galmudug ay ka dhacdo doorasho la mid ah middii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Kulammadaan ayaa billowday kaddib markii shalay gellinkii dambe uu gaaray magaalada Dhuusa-mareeb wafdi uu hoggaaminayo wasiir Sabriye, balse weli waxaa muuqada inuu jiro khilaafkii horay u taagnaa, iyadoo ay ku adkeysanayaan madaxweynaha Galmudug iyo taageerayaashiisa inaan la gaarin xilligii la qaban lahaa doorashada Galmudug.

Ugu dambeyn, Kulammada tan iyo xalay ka socday Dhuusa-mareeb ayaa waxay imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Casir uu Cadaado kasoo saaray qoraal uu ku sheegay in la kordhiyay xilli hawleedka baarlamaanka Galmudug.

Xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.