Home Wararka Gudaha Kooxo hubeysan oo dil Kka geysatay Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo dil Kka geysatay Magaalada Muqdisho.

150
0

Sabti 15-da October 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa goordhow degmada Warta-nabada ee magaalada ku dishay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay hore u sii qaadatay qori uu watay marxuumka.

Marxuum Caraaye waxa uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka 11-aad, iyadoo dilkiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, ciidamadda amaanka oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii falkaasi dilka ah ka danbeeyay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.