Sabti 12-ka Maarso, (Baydhabo-xog-ogaal) Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taala Magaalada Baydhabo.
Doorashada 7 kursi ayaa la qabanaya Maalinta Talaadada ah oo ay taariikhdu ay ku beegan tahay 14 Maarso, koofur Galbeed ayaa soo gabagabeyneysa 15 bishan kuraastii u dambeysay ee deegaan doorashada Baydhabo, todobada kursi ee Baydhabo ayaa ku jira kursiga #HOP172 oo uu horay ugu fadhiyay Madaxweyne Lafta Gareen, warar kala duwan ayaa ka soo baxayay xaalada kursigan oo si weyn isha loogu haayo cida qaadan doonto, waxaa horay u soo baxay warar sheegayay in kursigan uu damac uga jiro Madaxweyne Lafta Gareen.
✅HOP#172
✅HOP#204
✅HOP#047
✅HOP#181
✅HOP#197
✅HOP#164
✅HOP#179