Axad 4-ta September 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Dooddo siyaasadeed ayaa la sheegay inay ja dhextaagan tagaan taghay isbaheysigii soo saaray 2019-kii madaxweynaha hadda haya talada maamulka puntland kuwaas oo salka ku haya loolanka doorashada loo madlanyahay sanadka soo socda ee 2024, doorashada Puntland ee baarlamaanka iyo madaxtooyada ayaa hadda waxaa ka harsan muddo hal sanno iyo saddex bilood ah, loolanka doorashada oo durba laga dareemayo xarunta Maamulka Puntland ayaa hadda u dhexeeya isbaheysigii 2019kii, kuwaas oo xilligaas soo saaray Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Madaxweynaha talada haya.
Sida wararkani sheegayaan kulamo kala duwan oo isbaheysigan yeeshay ayaa la sheegay in aan xal rasmi ah ilaa hadda laga gaarin waxyaabha la isku hayo, waxaana jira warar sheegaya inay dhici karto in isbaheysigu uu labo musharax oo kala duwan uu la tago doorashada soo socta, halka dhinaca kale ay jiraan xubno magac ku dhex leh isbaheysigaasi oo doonaya in isbaheysi la isku hayo xalna laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee jira.