Home Wararka Gudaha Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Goobo Ganacsi oo ku taalo Muqdisho

Khasaaro ka dhashay dabkii ka kacay Goobo Ganacsi oo ku taalo Muqdisho

196
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Dabka oo geystay intiisa badan khasaaro hantiyadeed ayaa Barqanimadii Maanta waxaa uu ka kacay Goobo Ganacsi oo kuyaalla Suuqa Xaafada Seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen goobjoogayaal Dabka ayaa ka dhashay Koronto ka kacday Timajare kuyaalla Aaga Suuqa Caanaha, waxaana dabka uu ku faafay Goobo dhowr ah oo lagu iibiyo Cuntada qutul daruuriga iyo Caanaha.

Qaar kamid ah Ganacsatadii laheyd Goobaha uu dabka saameeyay ayaa sheegay in uu dabka baabi’iyay ilaa Shan Goobood oo Ganacsi maadaama uu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana Hanti farabadan ku burburtay.

Waxaa ay sheegeen in dabka lagu demiyay dadaal ay sameeyeen Ganacsatada Suuqa Seybiyaano iyo qeybaha kale ee Bulshada, balse saameyn weyn uu ku reebay.

Dabka ka kaca Goobaha Ganacsi ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad u badan, waxaana inta badan ku khasaaro dadka Ganacsatada ah kadib markii ay kasoo daahaan Gawaarida dam demiska Gobolka Banaadir, halka Suuqyada qaar loo waayo waddooyin loo maro si dabka loo demiyo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.