Home Wararka Gudaha Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Khasaare ka dhashay Dagaal ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

10
0

Sabti 8-da June 2024, (Ceeldheer-xog-ogaal) Xubno ka tirsan Al Shabaab, ayaa saakay waaberigii hore weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer, waxaana qaraxyada kaddib xigay weerar toos ah oo saldhigyada ku qaadeen Al-shabaab .

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay  Alshabaab weerarka qaaday iyo ciidanka dowladda ayaana halkaasi ka dhacay, waxaana jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray, Al Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegay in weerar cagmarin ah saakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna Al Shabaab ay sheegeen in weerarka ay  ku dileen askar badan sidoo kale ku qabsadeen hub iyo saanad.

Dhinaca kale Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa la sheegay  in ay iska  difaaceen Weerarka   ay saakay Alshabaab ay ku qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidammada Dawlada ayaa la sheegay in heleen xogta in Alshabaab ay qorsheynayeen Weerarka taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay ay dagaal uga hortageen kooxdii weerarka soo qaaday e Alshabaab oo qorshahoodu ahaa in ay qabsadaan degmada Ceel dheer ee gobolka Galgadud ayaa lagu yiri war ka soo baxay saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Hase ‘ahaaree’ Weerarkii Alshabaab saakay ay ku qaadeen Fariisimaha  Ciidamada Dawlada Federaalka iyo  kuwa degaanka ay ku leeuguhuun degmada Ceeldheer e gobola Galfaduud ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamaysSidoo kale ‘ Dowladda ayaa faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.