Home Wararka Gudaha Kenya Oo Doonaysa Inay Golaha Ammaanka QM Soo Farageliyaan Khilaafka Badda Ee...

Kenya Oo Doonaysa Inay Golaha Ammaanka QM Soo Farageliyaan Khilaafka Badda Ee Somalia

307
0

(Nariobi-Xog-ogaal) Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khilaafka Xuduudka Badda lagu daray Ajendaha QM, isla markaana ay doonayaan inay Golaha Ammaanka ee QM soo farageliyaan murankaasi.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu si aan toos ahayn ugala hadlay arrinkaasi 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ee UNSC, iyo suurtogalnimadda Khatarta Nabadda iyo Deganaanshaha Mandiqadda Geeska Afrika.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay inuu Xoghayaha Guud ee QM uu labo isbuuc ka hor uu Golaha ammaanka ee QM u gudbiyey Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay kaloo sheegtay inuu cad yahay mowqifka Kenya, isla markaana  aysan marnaba oggaalan doonin in taako ka mid ah xuduudkooda  la qaato.

Walaaca Kenya ayaa soo baxay, iyadoo la filayo inay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ go’aan ka gaarto Dacwadda Muranka Badda ee Somaliaa iyo Kenya bisha September ee sannadkan.

Dowladda Kenya waxay rumeysan tahay haddii ay Maxkamadda ICJ u xukmiyaan Somalia xuduud-baddeedka la isku haysto inay taasi  dhaawaci doonto Khilaafka dowladaha Kenya iyo Tanzania ee dhinaca Xuduud-baddeedka.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.