Home Wararka Gudaha Kenya oo 4 maalin gudaheed ku dhawaad 2 milyan doolar ka faa’iday...

Kenya oo 4 maalin gudaheed ku dhawaad 2 milyan doolar ka faa’iday jaadka ay Soomaaliya keenta

159
0

Isniin 1-da August 2022, (Nairobi-Xog-ogaal) Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya u soo dhoofisay afartii maalmood ee la soo dhaafay jaad qiimihiisu dhanyahay 2 milyan oo doolar, sidaas waxaa baahisay warbaahinta Nation TV, sida warbixinta cusub lagu sheegay magaalada Muqdisho waxaa la keenay 81.4 tan tan iyo markii suuqa dib loo furay todobaadkii hore.

Waxaa la qiyaasayaa wax ka badan 30 milyan oo doolar inuu gaaro dabayaaqada bishan dhaqaalaha ay qaadka ka helayso dowladda Kenya, iyadoo aan weli bilaaban dhoofka kaluunka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa heshiiska, si kastaba heshiis uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh 15-ka bishii hore ee July la gaaray dhiggiisa Kenya Kenyatta ayaa dib loogu furay qaadka Kenya, kaas oo muddo ka badan labo sano dalka laga mamnuucay, kadib muran soo kala dhex galay dowladdii Farmaajo iyo tan Uhuro Kenyatta.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.