Home Wararka Gudaha Jubbaland oo ka soo horjeesatay warkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha...

Jubbaland oo ka soo horjeesatay warkii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya

209
0

(Kismaayo-Xog-ogaal) Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa sheegtey in warqadii habeen hore ka soo baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka aysan khuseynin Jubbaland ay doorashadeeda u madax banaan tahay.

War saxaafadeed kasooo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa lagu sheegey in Jubbaland xeerarka iyo habraacyada doorashadeeda uu iyada xil ka saaran yahay dowladuna wax tallaabo ku yeelan Karin doorashada jubbaland sida warka lagu yiri.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu qeexay in guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ay masuul ka yihiin kuna filan yihiin fulinta habraacyada doorashooyinka ee u yaala Jubbaland waajibna ka saaran yahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo Jubbaland ka dhacda.

Jubaland waxay sheegtay in habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya uu si cad uga hor-imanayo dastuurka dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan marnaba aqbaleyn.

Maamulka Jubaland noqonaa Maamulkii Sadexaad ee ka horyimaada waxaa horay sharcigaan Gaashaanka ugu duruuray Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here