Home Wararka Gudaha Jubbaland oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha Shidaalka keena Kismaayo

Jubbaland oo Amar kusoo rogtay Shirkadaha Shidaalka keena Kismaayo

212
0

(Kismaayo-xog-ogaalWasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa amar dul dhigay ganacsatada Shidaalka keena magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Bartoolka Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed (HANDAL) oo la ogeeysiiyay Maareeyaha Dekadda Kismaayo iyo Ganacsatada ayaa waxaa lagu sheegay si loo badbaadiyo caafimaadka bulshada iyo hantidooda, loogana hortago khatar ku timaada
deegaanka laga bilaabo 01-02-2022 ay wasaaraddu joojisay shidaalka lagu keeno
fuustooyinka, isla markaana Dareere-hoosaadka Shidaalka  lagu keeni kara oo kaliya maraakiibta
shidaalka qaada..

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in Shidaalka la keenayo Dowlad Gobaledka Jubbaland uu ahaadaa mid waafaqsan
heerka tayada loo qorsheeyay, isla markaana ciddii shidaal ku keenta fuustooyin ama keenta shidaal tayadiisu hooseyso ay mutaysan doonto ganaax iyo in ogolaanshiyaha ka ganacsiga shidaalka lagala noqdo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.