Home Wararka Gudaha Jeneraal Xuud oo kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago Baladweyne

Jeneraal Xuud oo kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago Baladweyne

143
0

(Baladweyne-xog-ogaal) Jeneraal Abuukar Xaaji warsame Xuud ayaa dalbaday in si degdeg ah looga saaro ciidamada gudaha loosoo galiyay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay wixii ka dhasha inuu qaadayo madaxweynaha Hirshabeelle.

Jeneraal Xuud oo xalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho wuxuu kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago magaalada Baladwene, wuxuuna beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo dhexmaray isaga iyo Hirshabeelle.

“Shalay waxaan diidnay Cali Guudlaawe inuu yimaado Baladweyne, maantana waan diidannahay. Wax wada hadal ah iyo wax na dhexmaray midna majirto. Sidee isagoo xaqayagii haysta uu noogu imaan karaa,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Jeneraal Xuud wuxuu tilmaamay go’aanka reer Hiiraan inuu yahay. in Cali Guudlaawe aanu tegin Baladweyne, haddii uu tagana uu mas’uul ka yahay wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhaca.

“Dhibaatada caawa magaalada taalla iyo ciidamada aad kusoo deyseen ka saara, lama-galaay dib ku celiya. Haddaad wada hadal diidaan, idinkoo masuuliyiin ah, sidaad wada hadal ah ku qaadataan baa naqaanaa,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Hadalka Xuud ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay magaalada Baladweyne lagusoo daadiyay ciidamo aad u fara badan, lana filayo inuu halkaas maanta gaaro madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.