Home Wararka Gudaha James Swan oo khudbad uu uga hadlay arrimaha Soomaaliya ka jeediyey shirka...

James Swan oo khudbad uu uga hadlay arrimaha Soomaaliya ka jeediyey shirka G/Ammaanka ee

132
0

(New York-Xog-ogaal) Ergayga Qaramada Midoobey James Swanayaa warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ee xilligan ka jeediyey Golaha Ammaanka qaramada Midoobay isaga oo ka hadlay arrimo badan,isaga oo ugu horeyn sheegay in horumar laga gaaray hannaanka doorashada lana doortay 54-ta kursi ee aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo dhinaca kale in ka badan laga joogo markii hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Soomaaliya ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-kii Sebtembar, sidoo kale ku dhawaad ​​lix bilood ayaa laga joogaa markii ballan-qaadko-odii markale ku celiyeen heshiiskii 27-kii May.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si degdeg ah ugu dhaqaaq-aan soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, si loo dhameystiro doorashada baarlamaanka ka hor dhamaadka sanadkan, waxaan sidoo kale ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqaha aasaasiga ah ee ololaha iyo xilliyada doorashada, oo ay ka mid yihiin isu shirarka iyo isusoo-baxa nabdoon, xoriyada safarka, ururada, iyo hadalka.

marka laga hadlayo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa xusid mudan in khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ka dhex curtay bilihii Agoosto iyo September, uu ka dhashay labo arrimood oo kala ahaa magacaabista saraakiisha sarsare ee nabadsugidda iyo sidii loo maamuli lahaa, baaritaanka lagu hayo sar-kaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsu-gidda qaranka ee la waayay, kuwaas oo hadda yaraaday Kadib dadaalo dhex dhexaadin ah oo ay sameeyeen mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad badan oo Soomaali ah, xal tanaasul ka muuqdo oo si weyn loo soo dhaweeyay ayaa lagu dhawaaqay dhamaadkii Oktoobar”ayuu yiri James Swan oo intaasi ku sii daray “Nasiib darro, xaaladda ammaan ee Soomaaliya weli waa mid kacsan, waxaan bogaadinayaa dadaalka iyo naf-hurnimada ciid-amada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee maalin walba hortaagan Al-shabaab, waayo Al-shabaab ayaa weli khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, awoodna u leh in ay joogteyso dhaqdhaqaaqyo xoog leh, oo ay ku jiraan isticmaalka walxaha qarxa ee joogtada ah, iyo kororka adeegsiga ismiidaaminta,waxaana uu khudbadiisa ku sheegay in Ilaa hadda sanadka 2021-ka, UNSOM waxay diiwaangelisay 964 qofood oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay iskahorimaad hubeysan

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.