Home Wararka Gudaha Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariidada Soomaaliya looga tiray MAP-ka Afrika ee Lagu...

Itoobiya Oo Ka Hadashay Khariidada Soomaaliya looga tiray MAP-ka Afrika ee Lagu Daabacay Bogga Wasaarada Arrimaha dibadda ee dalkeeda iyo dowladda soomaaliya oo……

327
0

(Addis Ababa-Xog-ogaal) Dawladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khariirad jahwareer iyo dood abuurtay oo muujineysa soomaaliya oo laga saaray MAP-ka Afrika islamarkaasna lagu daray dalka Itoobiya ,waxayna sheegtay in ay ka xun tahay khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya oo muujinaysay khaladaad

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia oo ka hadashay arrintaasi ayaa sheegtay in si khaldan oo aan la aqbali karin boggeeda loogu daabacay sawirka khariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray,waxayna intaasi ku dartay inay markiiba ka saareen sawirkaas. Kooxda farsamada IT-ga ayaa baareysa arrintaasi ayey sii raacisay wasaaraddu.

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu oo intaasi ku dartay in ay ka xun tahay wixii jahawareer ama is-faham-darro ah ee ay arrintaasi abuurtay.

Sawirka khaariirada Afrika oo la soo saaray Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa muujinaya in dal gooni ah uu yahay Maamulka Soomaaliland halka Soomaaliya laga dhigay dalka ka mid ah dowladda Itoobiya,iyada oo sidoo kale uu khariiradda ka maqnaa dalka Koonfurta Sudan iyo dalka Equatorial Gini ee Galbeedka Afrika.

Dowladda soomaaliya ilaa hadda arrintani kama hadlin,lamana oga waxa keenay markii horeba in wasaardda arrimaha dibadda Itoobiya ay arrintan ku keentay,inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in arrintani ay wadday dowladdii hore itoobiya ee uu madaxda ka ahaa Males Zanawi halka warar kale ay sheegayaan in arrintani ay tahay mid ay wada qabaan madaxda Itoobiya ayna wasaarraddu ka hormartay qorshaha madaxda Itoobiya

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here