Home Wararka Gudaha Ingiriiska oo Saldhig Ciidan oo weyn ka sameysatay Soomaaliya

Ingiriiska oo Saldhig Ciidan oo weyn ka sameysatay Soomaaliya

393
0

(Baydhabo-Xog-ogaal) Dowladda Ingiriiska ayaa Saldhig Milatari oo weyn waxa ay ka sameysatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo Caasimad KMG u ah maamulka Koofur Galbeed.

Saldhiggan waxa uu ku dhex yaalaa gudaha gareoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaasoo garoon Milatari ah xiligii dowladdii dhexe ay ka jirtay dalka bur burkii ka hor.

Sida ay baahisay Safaarada Ingiriiska ee dalka Soomalaiya, Saldhiggan waxaa xarig jarkiisa shalay eheyd ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ku jiray Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye iyo Saraakiil kale.

Sababta ay u hirgaliyeen Saldhiggan waxa ay Safaarada ku sheegtay iney qeyb ka tahay qorshaha la doonayo in dalka looga saaro Ciidamada AMISOM, waxaana Saldhiggan lagu tababari doonaa qeyb kamid ah askarta la doonayo iney amniga dalka la wareegto.

Dowladda Ingiriiska waxa ay sheegtay in Saldhiggeedan cusub uu u dhameystiran yahay qalabkiisii, kaasoo si casri ah loo dhisay, waxaana durba la geeyay Saraakiil tababar siisa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxa uu noqonayaa Saldhiggii 4-aad ee dalalka shisheeye ay ka dhistaan wadanka, waxaana Saldhiggii u horeeyay uu Mareykanka ka sameystay deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Sh?Hoose, waxaa ku xigay midka Turkiga ee ku yaala deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho iyo kan Imaaraatka Carabta uu ka sameystay Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.