Home Wararka Gudaha In ka badan 25 ruux oo ku geeriyootay dagaal culus oo Saakay...

In ka badan 25 ruux oo ku geeriyootay dagaal culus oo Saakay ka dhacay deegaanka Baxdo

238
0

Jimce 17-da June 2022, (Baxdo-xog-ogaal) warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday oo aroornimadii hore ee Saakay ku qaadeen dagaalamayaasha Al-shabaab deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, dagaalka ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo socday mudo ka badan laba saacadood waxaana ka dhashay khasaare badan oo kala gaaray labada dhinac.

Warar soo baxaya oo hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka uu gaarsiisan yahay dhimashada ku dhawaad 30 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay guryahooda, waxaana dhaawacyada la xaqiijiyay ay kor u dhaafayaan 15 ruux, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay oo ku aadan khasaaraha kala gaaray, xaalada deegaanka Baxdo ayaa haatan ah mid dagan waxaana dib ugu soo laabtay hawada adeega Isgaarsiinta oo hawada ka baxay mudadii uu dagaalka socday, waxaana halkaasi isaga barakacay qoys fara badan oo ka cabsi qaba in markale dib u qarxo dagaal culus, maadama dagaalamayaasha Al-shabaab aysan wali ka fogeyn deegaanka Baxdo oo ay saakay weerarku ku qaadeen.

Al-shabaab dhowr jeer oo hore waxay deegaanka Baxdo ku qaadeen weeraro noocaan oo kale ah oo ay ku doonayeen iney kula wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegaya in Al-shabaab ay deegaankaasi u arkaan mid muhiim u ah iney gacanta ku dhigaan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.