Home Wararka Dibadda In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay...

In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Itoobiya

109
0

Isniin 20-ka June 2022, (Adis-Ababa-xog-ogaal) Goobjoogayaal ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay Axaddii in inka badan 200 oo qof oo u badan qowmiyadda Axmaarada lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Oromiya ee dalkaas, waxayna ku eedeeyeen jabhadda Oromada taasoo markii dambe beenisay, waa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Itoobiya, iyadoo xiisadaha qowmiyadeed ay weli ka socdaan dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay,” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir, oo ka mid ah dadka deggan degmada Gimbi, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press kadib markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerarkii Sabtidii. “Waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan”.

Goob-jooge kale oo magaciisa ku soo koobay Shambel, cabsi uu u qabo ammaankiisa, ayaa sheegay in qoomiyada Axmaarada ee deegaanka ay hadda si quus ah u raadinayeen in la raro “kahor intaysan dhicin dil wadareed kale.” Waxa uu sheegay in qowmiyadda Axmaarada ee hadda “loo laaynayo sida digaagga” ay deegankan 30 sano kahor kusoo degtay barnaamij dib u dejin ah, labada goob-jooge ayaa weerarradaas ku eedeeyay Ciidanka Xoraynta Oromada.

War qoraal ah oo ay soo saartay xukuumadda gobolka Oromia ayaa sidoo kale ku eedaysay OLA, iyagoo sheegay in maleeshiyadu ay geeysteen weerareen “ka dib markii ay u adkaysan waayeen hawlgallada ay bilaabeen ciidamada ammaanka ee dowladda Federalka, afhayeenka OLA, Odaa Tarbii, ayaa beeniyay eedeymaha.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.