Home Wararka Gudaha Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo dalka ka bilaabanaya maanta

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo dalka ka bilaabanaya maanta

112
0

Sabti 18-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso ayaa lagu waddaa in uu maanta dalka ka bilowdo marka laga reebo Somaliland iyo Puntland, qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah, xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka, kaasoo  si rasmi ah maanta kaga bilaaban doona gobolka Banaadir, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.