Home Wararka Gudaha IMF oo sheegtay in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka dowlada hadii doorashada...

IMF oo sheegtay in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka dowlada hadii doorashada …

252
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka digtay in mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya,  uu dib u dhac ku imaan doono bisha May, haddii mar kale uu dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, barnaamijka miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar, oo qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay  ayaa  si toos ah au dhamaanaya haddii ay dhici weydo in dowlad cusub lagusoo dhiso illaa 17ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya,  iyada oo sheegtay in dib u dhac ku yimaada doorashooyinka ay keeni karto in la waayidoono wakhti lagu cusbooneysiiyo heshiiska.

Dhinaca kale,  Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, ayaa meesha ka saaray walaacaal IMF, wuxuuna yiri, “Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta maaliyadda.”

Wasiirka maaliyadda wuxuu sheegay in aanay jirin illaa iyo hadda caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Doorashada Soomaaliya ayaa la qorsheeyay sanad ka hor inay dhacdo, balse dib u dhac ayaa ku yimid markii Madaxweyne Maxamed Cabullaahi Farmaajo uu isku dayay inuu labo sano ku kordhiyo mudadiisa afarta sano ah.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.