Home Wararka Gudaha Ilhan Cumar oo markii saddexaad loo doortay Congress-ka Maraykanka

Ilhan Cumar oo markii saddexaad loo doortay Congress-ka Maraykanka

131
0

Arbaco 9-da November 2022, (Minnesota-xog-ogaal) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan xisbiga dimuqraadiga ee haya talada Maraykanka, ayaa markii saddexaad loo doortay in ay ku matasho degmada Shanaad ee Congress-ka Minnesota, Ilhaan Cumar oo noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horeeysay ee loo doorto Congress-ka Maraykanka tan iyo 2018, ayaa heshay 51 boqolkiiba codadka, waxay ka guulaysatay Samuels oo la tartamayay, isagoo helay codad dhan 48 boqolkiiba.

“Kursigan waa mid u gaar ah qof kasta oo degmadeyda ku nool, iyadoo aan loo eegin qofka uu jecel yahay, sida uu u tukanayo, midabka maqaarkiisa, iyo xitaa sida uu u codeeyo, waana sii wadi doonaa inaan u halgamo dhammaantiin,” ayay tiri Ilhan Cumar markii ay guuleysatay, sannadkii 2018-kii, Ilhaan Cumar waxa ay ka mid ahayd labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.