Home Wararka Gudaha Howlgal hub ka dhigis ah oo ka billowday degmada Cabudwaaq

Howlgal hub ka dhigis ah oo ka billowday degmada Cabudwaaq

191
0

Axad 17-da April 2022, (Cabudwaaq-xog-ogaal) Ciidamada kala duwan oo dhawaan maamulka Galmudug uu geeyay degmada Cabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa Maanta halkaasi ka billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga kadib dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmadaas, ciidamada oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid ayaa howlgalka ka fuliyay dhamaan Xaafadaha degmada Cabudwaaq & waddooyinka soo gala, waxaana uu ahaa mid lagu bartil maameed sanayay dadka hubka shari carrada ah ku heysta Magaalada.

Intii uu howlgalka socday ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka degmada, Xildhibaano, iyo saraakiisha Ciidamada waxa ay kormeer ku maren waddooyinka degmada Cabudwaaq, waxaana ay sheegeen in marnaba aan la aqbali karin dadka heysta hubka sharci darrad ahm , taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya amarka madaxda ka sareeysa ay xaqiijiyeen amniga guud ee degmada Cabuwaaq & degaannada hoostaga, wuxuuna sheegay in ciidamada ku amran yihiin inay tallaabo ka qaadaan ci kasta oo liddi ku ah amniga.

Guddoomiyaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud Faarax Cabdulle Samadoon ayaa dhankiisa sheegay in muddooyinkii dambe ay Bulshada ka codsanayeen in la joojiyo dilalka balse taasi ay u Shaqeyn weeysay, hayeeshee waxa kaliya ee maanta u furan ay tahay inay tallaabo qaadaan, todobaadkii la soo dhaafay ayaa degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud dhowr habeen oo isku xigta waxaa lagu dilay dad Shacabka ah, dilalkaas oo la xiriiray aanooyin qabiil.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.