Home Wararka Gudaha Hormuud Foundation oo Xabsiga Dhexe gaarsiisay deeq isugu jirta Raashin, Dhar, iyo...

Hormuud Foundation oo Xabsiga Dhexe gaarsiisay deeq isugu jirta Raashin, Dhar, iyo Xoolo nool.

324
0

Hey’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq isugu jirta Raashin, Dhar & 5 neef oo geel ah ku wareejisay Mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe ee Xamar, taas oo loogu talo galay afurinta & Ciidsiinta Maxaabiista xiran Xabsigaasi.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo faahfaahin ka bixiyey wax ay ka koobantahay deeqdani, ayaa sheegay in uu ka kooban yahay Boqol loor oo Bur ah, Boqol Loor oo Bariis ah, Boqol loor oo Sokor ah, Kun Litter oo Saliid ah, Shan Jawaan oo Caleen ah, Toban Kartoon oo Cabitaan ah, Afar kun oo kilo oo Timir ah, Shan Neef oo Geela nuuca birimada ah & Dharkoodii ciidda oo isugu jira Rag & Dumar intaba.

Cabdikariin Cali Afrax oo ah taliye kuxigeenka ciidanka Asluubta ayaa ka gudoomay Hormuud Foundation deeqda ay ugu talo gashay maxaabiista, waxaana uu ku amaanay doorkooda bulshada iyo sida ay xili walba uga war hayaan maxaabiista ku jirta Xisbiga Dhexe.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Reysul wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in munaasabaddani ay tahay tii saddaxeed oo ay ka qeyb gasho, waxeyna ku ammaantay Hey’adda Hormuud Foundation in ay tahay hey’adda kaliya ee isu xilqaanta taakuleynta Dadka Gargaarka u baahan ee Soomaaliyeed.

Hey’adda Hoormuud Foundation ayaa sidoo kale Deeq isugu jirta Lacag Dollar ah iyo Timir waxay ay Maanta gaarsiisey Ciidamada Naafada Xoogga Dalka ee ku jira Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho. Labada dhacdo ayaa kusoo beegmay iyadoo lagu jiro asbuucii koowaad ee bisha Ramadaan, oo ay caadiyan baahiyuhu bataan.

Cabdulaahi Nuur Cusmaan, madaxa Hormuud Telecom Foundation oo sidoo kale saxafiyiinta kula hadlay Isbitaalka Martiini ayaa sheegay iney lacag dollar ah ku wareejiyeen naafada si ay wax ugu badsadaan inta lagu jiro bisha Ramadan, wuxuu kaloo sheegay in ay timir gaarsiin doonaan labo cisho gudahood. Madaxa ciidanka naafada ee isbitaalka Martiini ayaa hormuud uga mahadceliyay dadaalkeeda wanaagsan.

Hormuud Foundation oo qeyb ka ah shirkadda Isgaarsiinta ee ugu balaaran Soomaaliya ee Hormuud Telecom ayaa inta badan xiliyaadaan oo kale looga bartay iney caawiso dadka nugul sida naafada, maxaabiista iyo agoonta.

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.