Sabti 20-ka August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar jajab ayaa waxa ay sheegayaan in Tiro hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen nawaaxiga iskool Poluusiya Xaafddaha ku yaalla, dadka kunool Xaafaddaha Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen ayaa waxa ay sheegeen in Shan madfac ay soo dhaceen kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu dhacay goobahaasi.
Dad isku qoys ahaa ayaa ka mid ah dadka waxyeelada ay soo gaartay, maadaama hoobiyaha uu ku dhacay gurigooda sida dadka degaanka ay xaqiijiyeen, ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhaawacmay, waxaana dadkaasi dhaawacyadooda daadgureeyay ciidanka booliska Soomaaliyeed.