(Beledweyne-xog-ogaal) Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahne Taliyaha amniga doorashada Korneyl Xasan Dhicisoow Xasan ayaa magacaabay Taliyayaasha amniga goobaha doorshada Xidhibaanada Golaha shacabka ay ka dhaceeyso ee Gobolad Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha ayaa waxaa Taliyaha amniga goobaha doorashada Beledweyne loogu magacaabay laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye oo horay u soo noqday taliyaha Booliska Beledweyne, halka Gaashaanle Muqtaar Cabdulle Nuur loo Magacaabay Taliyaha Amniga doorashada Magaalada Jowhar.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahne Taliyaha amniga doorashada Korneyl Xasan Dhicisoow Xasan ayaa faray Saraakiisha uu Magacaabay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda Shaqo.
Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ayaa waxaa ay kamid yihiin Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, iyada oo labadaasi Magaalo Amnigoida aad loo adkeeyay.