Home Wararka Gudaha Hay’adda Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed guddoonsiiyay school ay wax ka bartaan...

Hay’adda Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed guddoonsiiyay school ay wax ka bartaan Dadka Magalka la’

345
0

(Mogadishu-Xog-ogaal) Hay,adda Hormuud Telecom Foundation ayaa Maanta Deeq lacageed gaarsiisey xarunta Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee SEDDCO oo ay wax ku bartaan Arday Maqalka la’.

School-ka SEDDCO oo shaqeynaya muddo 2 sano ah ayaa waxaa wax ka barta 27 arday oo Da’doodo ay u dhexeyso 4 Jir – 27 Jir, kuwaas oo isugu jira Gabdho iyo wiilal, waxayna xaruntiisu ku taallaa Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Hay,adda Hormuud Telcome Foundation ee uu Hogaaminayo Maamulaha hay,adda Mudane Cabdullaahi Nour Cismaan oo booqday xarunta School-ka ayaa shir muddo kooban socday oo ay wax uga ogaanayeen xaaladda Schoolka, ayaa waxa ay maamulka School-ka ku wareejiyeen Deeq lacageed, taasoo uu guddoomiyaha Hormuud Foundation sheegay in ay uga taageerayaan Kirada dhismaha muddo hal sano ah, Shidaalka Gaadiidka qaada Ardayda & Qeyb ka mid ah Mushaarka Macallimiinta.

Dugsigan ayaa waxaa Gacanta ku haya Hay,adda Horumarinta waxbarashadda Dadka Maqalka la’ iyaddoo la soo bandhigay baahiyaha ay qabaan Maamulada Iyo Macalimiinta Dugsigaasi wax ka dhigta.

Maamulaha Hay,adda Hormuud Telcome Foundation Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ka sakow dhaqalaha ay Maanta siiyeen Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sarre ee dhaqaalooyaasha SEDDCO ayaa sheegay in ay sii wadi Doonaan Dhaqalaha noocaan oo kale oo ay ku Caawinayaan Xarumaha Waxbarashada ee Taageeradda u baahan.

Cabdifitaax Mubaarik Maxamed oo ah Maamulaha Iskuulkan ayaa Madaxda Hay adda Hormuud Foundation uga Mahad Celiyay Deeqda Dhaqaale ee ay maanta soo gaarsiiyeen School-kooda, wuxuuna sheegay in ay wax weyn ka tari karto baahida Macslimiinta Iyo Dugsigaba.

Talaabadan Qeybinta Deeqdan dhaqaale ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Hay,adda Hormuud Telcome Foundation Maalmihii ugu Dambeeyay waday Tageero dhaqaale loogu Muujinayo Dadka Dhibaateysan ee Ku nool Degmooyinka Gobalka Banaadir.​

Xog-ogaal Newspaper 

Xafiska-Mogadishu 

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.