Home Wararka Gudaha Hay’ad Caalami ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday in uu wada-hadal...

Hay’ad Caalami ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday in uu wada-hadal la galo Al-Shabaab

149
0

Arbaco 22-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamka ee loo soo gaabiyo ICG ayaa faahfaahin ka bixinaysa dhibaatooyiinka ka dhashay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabab, xilli dhanka kalena ay ku talisay haayaddani in wakti xaadirkan ay lagama maarmaan tahay in Al-Shabab lagu dayo wadahadal, dagaalka daba dheeraaday ayay warbixintu sheegtay in uu galaaftay nolosha dad badan islamarkana uu minja xaabinayo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ICG ay dowladda Soomaaliya kula talinaysa bal in waddooyiin kale loo maro hogaamiyayaasha Al-shabaab si loo tijaabiyo suuragalnimada wadaxaajood lala galo, ICG ayaa madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ku boorisay bal in uu markan tijaabiyo wadaxaajood lala galo Al-Shabaab, warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICG aya lagu xusay in ay jirto dood gudaha iyo dibadaba ah oo isa soo taraysa taasi oo ku saabsan in Al-Shabaab militari ahaan oo kali ah aanay suurgal ahayn in lagaga adkaadaa.

Waxaa ay sidoo kale haayaddani farta ku fiiqday in Marna aysan jiri doonin waqti ku habboon oo Al-Shabab wadaxaajood lala galo, balse ay macno badan sameynayso in la isku dayo hadda intii la sugi lahaa waqti dheer, haddaba hore laga bilaabo, hay’dda ayaa sheegtay in madaxwayne Xasan Sh Maxamuud markii uu xilka u tartamayay uu ballan qaaday inuu dib u heshiisiin dhex dhigi doono Soomaalida gudaheeda, ICG ayaa xustay in su’aasha la is waydiin karo ay tahay in nabadaasi laga qeyb galiyo ama la gaarsiiyo kooxda Al-Shabaab, dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu jilcin doono ka hor inta aan laga fikirin in wadahadal lala galo.

Dagaalyahannada Al-shabab ayaa magaalada Muqdisho laga saaray sanaddii 2010, balse waxa ay wali kooxda awood ay u leeyihiin in ay weeraro ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyiin kale.

Hogaanka kooxda ayaa horey u cadeeyay in aysan wax wadahadal ah la gali doonin dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xigasho Bbc Somali

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.