Arbaco 1-da June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan, markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.
Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah, sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.
Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”
Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi, Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh, waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.
Xigasho Bbc Somali