Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay nin shacab ah oo darawal ka ahaa gaadiidka Dadweynaha ee loo yaqaan Homy.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in askariga uu darawalka ku amray in uu bixiyo lacag dhan hal dollar, hasa ahaatee Darawalka ayaa sheegay in uusan lacagtaasi awoodin, waxaana markaasi xigay xabad uu askariga ku furay askariga.
Goobjoogal ayaa ku waramay in askariga dilka geestay uu si caadi ah uga tagay goobta uu dilku ka geestay, waxaana meydka ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Candiqani AXmed Xaaji loo soo qaaday xarunta Dambi baarista magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowlada ayaa mudooyinkan dambe kordhiyay dilalka iyo dhibaatooyinka kale ay u geesanayaan dadka shacabka ah, waxaana arimahan sabab looga dhigay ciidanka dowlada oo u badan kuwa aan nidaam sax ah lagu xulan .