Home Wararka Gudaha Gudoomiyihii Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Puntland oo Deni ku eedeeyay inuu boobay liiska...

Gudoomiyihii Guddiga Ansixinta Xildhibaanada Puntland oo Deni ku eedeeyay inuu boobay liiska Baarlamaanka

10
0

Isniin 1-da January 2024, (Garowe-xog-ogaal) Gudoomiyihii guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Puntland ayaa muuqaal laga soo duubay ku sheegay in xubnaha lasii daayay aysan aheyn kuwa sax ah, tan & markii xalay la waayay oo uu dhammaan hawada ka saaray Isgaarsiintiisa, Isimadda soo jireenka ah ayuu sheegay in saxiixooda aan la raacin, gudoomiyaha ayaan ilaa xalay warkiisa la heynin, dad badan ayaana aaminsan in kahor intii liiskan uusan soo bixin, haddii uu hadli lahaa wax badan warkiisa goyn lahaa.

Xubnaha xalay la shaaciyey ayaa lafilayaa in maanta la dhaariyo, sidaas oo kale musharaxiinta ayaa leh shir deg deg ah oo ay mawqifkooda ku cadeynayaan, Madaxtooyada ayaan wali ka hadlin arrimahan.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.