Sabti 19-ka November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xilalkii ka qaaday gudoomiyayaashii degmooyinka Hodan, Waaberi iyo Boondheere, sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska Duqa Muqdisho, saddex mas’uul oo cusub ayaa loosoo magacaabay xilalkan, kuwaasoo la faray iney si deg deg ah xilalkan ula kala wareegaan.
Maxamed C/llaahi Cumar oo loo yaqaanl Deeyoow ayaa loo magacaabay xilka gudoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, waxaana xilkaasi laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye, maxamed Sayid Cali ayaa isna loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi, waxaana xilkan laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle, cali Axmed Faarax waxaa loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Hodan, waxaana booskaasi hore u hayay oo laga qaaday C/fitaax Xayir Ciise.