Home Wararka Gudaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo war kasoo saaray Xiisada ka taagan Hargeysa

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo war kasoo saaray Xiisada ka taagan Hargeysa

137
0

Sabti 13-da August 2022, (Hargeysa-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa war kasoo saaray xiisadda ka taagan magaalada Hargeysa, waxaa uu ku baaqay xasilooni, guddoo-miyaha ayaa sheegay in uu ka xun yahay dhibaatadii ka dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay qeybo kamid ah magaalooyinka Somaliland ee sababtay dhibaatada soo gaartay dadka shacabka ah, waxaa uu tacsi u diray  ehellada dadkii ku geeriyooday, dadka ku dhaawacmay waxaan Allah SWT uga baryayay  inuu siiyo caafimaad sariic ah.

Masuuliyiinta Somaliland ayuu ugu baaqay inay xaaladda dejiyaan dib na ugu laabtaan miiska wada hadalka kana digtoonaadaan wax kasta oo nabadda iyo degenaashiyaha wax u dhimi kara, garowsadaanna inaan xal lagu gaarayn colaad iyo dagaal midna, ugu dambeyn waxaan u soo jeedinayay odoyaasha dhaqanka, wax garadka iyo Guurtida Somaliland inay gacan ka geystaan sidii xaaladda loo dajin lahaa nabadda iyo xasilloonidana loo ilaalin lahaa si shacabka u nabad galo.

“Somaliland waxay ku amaanan tahay dimuqraadiyadda iyo nabadda waana wax laga xumaado in xilligaan dagaal laga baaqsan karay iyo rabshado ay wiiqaan nabaddii mudada dheer la soo ilaalinayay. Waxaa idiin rajeynayaa guul iyo midnimo” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.