Home Wararka Gudaha Gudiga FEIT oo sheegay in kujiraan diyaar garoowga dhaarinta Xildhibaannada

Gudiga FEIT oo sheegay in kujiraan diyaar garoowga dhaarinta Xildhibaannada

162
0

Isniin 11-da April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Waxaa weli Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo Maanta ay Shahaadada rasmiga ah siiyeen tiro Xildhibaano ah, xildhibaannada ugu horreeya ee Maanta Shahaadada la siiyay ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ahna musharrax Madaxweyne Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ku guuleysatay Kursiga Hop#262 & Xildhibaan Caasho Koos Maxamuud Cumar oo iyana loo doortay Kursiga Hop#211.

Guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashooyinka heer federal Mowliid Mataan ayaa sheegay in Shahaado siinta ay barbar socoto qaban qaabada ama diyaar garoowga dhaarinta Xildhibaannada oo ku beegan 14-ka Bishaan, waxaa uu ugu baaqay Xildhibaannada aan weli Shahaadada qaadan inay yimaadaan halka ay howsha ka socota, isla markaana ay qaataan Shahaadada iyo kaararka aqoosniga si dalka uu uga baxo xaaladda cakiran ee xilligaan kajirta.

Xildhibaannada degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan Shahaadada marka laga reebo Saddex Xildhibaan, waxaana ay ka gadoodsan yihiin Saddex kamid ah kuraasta laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed oo Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay hakiyeen.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.