Home Wararka Gudaha Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo la dilay

Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo la dilay

78
0

Talaado 21-da June 2022,  (Laascaanood-Xog-ogaal) Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood, guddoomiyaha oo horayna usoo noqday xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xili uu siigalayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta xisbiyada iyo xukuumada ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi “Cabdirisaaq Cardoofe” oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday, inkasta oo xukuumada Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, hadana waxaa muuqata in wali loo maaro laayahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood, kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, booliiskuna kuma guulaystaan in ay raadraacaan oo ay soo qabtaan.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.