(Dh/mareeb-Xog-ogaal) Kulan aan horay loo sii shaacin oo ay isugu yimaadeen shalay xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa waxay xilka qaadis ku sameeyeen guddoomiyahii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed, xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahii guddiga ayaa cod gacan taag ah xilkii uga qaaday, isla markaana guddoomiye cusub waxay u doorteen xoghayahii hore ee guddiga doorashada Galmudug Maxamed Qaasim Maxamuud oo sidaas ku noqday guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada Galmudug, gud-doomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay Max-amed Daahir Guuleed ayaa dhankiisa been ab-uur ku tilmaamay xilka qaadista lagu sameeyay, islamarkaana sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo ay shalay isugu yimaadeen guddiga hirg-elinta doorashada maamulka Galmudug.
Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka soo hor jeestay xil ka qaadistii shalay la sheegay in lagu sameeyey guddoom-iyaha guddiga doorashada heer dowlad gobo-leed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, afhayeenka guddiga doorashada heer federaal Axmed Safiino oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warqadii shalay lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada Galmudug aysan sax aheyn, sidoo kale afhayeenka ayaa shee-gay in xubinhii soo saaray warqadaas ee ku dhawaa-qay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda uu gud-diga heer federaal anshax marin lagu sameyn doono.
“Guddiga doorashada Galmudug wax shir ah oo ay guddoomiyahoodii ku rideen ama mid kale ku doorteen ma uusan yeelan, sidaas dartee cidii been abuurka sameysay tallaabo ayaan ka qaadi doonaa” ayuu yiri afhayeenka guddiga doo-rashada heer federaal Axmed Safiina, xubnaha guddiga doorashooyinka Galmudug ee shalay sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda Maxamed Daahir Guuleed ayaa warqadooda ku sha-aciyey inay guddoomiye cusub u doorteen Maxamed Qasim Maxamud oo horay u ahaa xogyaha guddiga.