Home Wararka Gudaha Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo ka wada hadlay qabsoomida kulanka Wadajirka ah

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo ka wada hadlay qabsoomida kulanka Wadajirka ah

9
0

Axad 1-da May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare aya uga mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) soo dhaweynta uu u sameeyay, isaga oo sheegay in labada Aqal ay si wanaagsan u Shaqeyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here