Home Wararka Gudaha Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah Kuxigeenadiisa

Guddoomiye Yariisow oo shaqo joojin ku sameeyay mid ka mid ah Kuxigeenadiisa

204
0

(Muqdisho-Xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in Guddoomiye kuxigeenka shaqada laga joojiyay uu sameeyay amar diido iyo shaqo curyaamin uu ka wado qeybta Howlaha Guud iyo Nadaafadda.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Engineeriyadda, isla markaana aanu kala tashan cidda ay khuseyso, sidoo kale waxaa la sheegay in Guddoomiye kuxigeenka uu amar ku bixiyay in la joojiyo mashruucii lagu dhisayay Garoonka Qoob Door ee degmada Kaaraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeeniisa dhinaca howlaha guud ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay uu ka dhaxeeyay khilaaf xalintiisa lagu guuleesan waayay, waxa ayna ugu dambeyn khilaafka dhaliyay in Yariisow Shaqaada ka joojiyo kuxigeeniiisa.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here