Isniin 7-da November 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dadka kunool Magaalada Muqdisho ay noqdaan kuwa iska saara cabsida Al-Shabaab oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin dhowr ah ka geysten Magaalada Muqdisho, isla markaana markii lagu soo jebiyay dagaallada ka socda Gobolada ay Carruurtooda iyo Xaasaskooda ay soo geliyeen Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray Guddoomiyaha in Al-Shabaab ay yihiin kuwo markasta dhibaato maleegaya, wuxuuna Shacabka muqdisho uu ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro ayka geysan karaan Magaalada Muqdisho.