Home Wararka Gudaha Guddoomiye Cirro: Doorashada uma joojinayno wax qaldamay oo la sixi karo

Guddoomiye Cirro: Doorashada uma joojinayno wax qaldamay oo la sixi karo

182
0

(Mogadishu-Xog-ogaal) Guddomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya  Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay doorashadu soconayso oo aan loo joojinayn baaqa kasoo yeeray midowga musharraxiinta Soomaaliya.

Guddoomiye Cirro  ayaa sheegay in aanay marnaba xalka ku jirin in doorashada la hakiyo, isagoo sheegay intaas bedelkeed la xallin karo wixii tabasho oo doorashada ka dhashay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo in la isku yimaado oo laga tashado sidii horey loogu socon lahaa, si meesha looga saaro taag taaga doorashadana ugu qabsoomto waqtigeeda.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in ay guddigoodu ku shaqeynayaan heshiis siyaasadeed oo aanay dhinacna uga beeri karin, wuxuuna ugu baaqay midowga musharraxiinta in ay ku kalsoonaadaan dadaalka guddiyadu doorashu wadaan.

“In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay. Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri Cirro.

Dhowaan ahay ahayd markii golaha midowga musharraxiintu ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashada, lagana wada hadlo sidii loo sixi lahaa waxa qaldamay.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.