Home Wararka Gudaha Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay in waqti lagu bixiyo sidii loo...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ku baaqay in waqti lagu bixiyo sidii loo qancin lahaa maamulka Somaliland

173
0

Axad 26-da June 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska 26‐ ka Juun oo ku beegnayd 62-sano guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyay munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale, waxaana uu khudbadiisa ku yiri sidatan, wuxuuna yiri “Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii gobolada waqooyi ee 26-ka Juun.

62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena, sidaas darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

Munaasabadda qiimaha weyn darteed waa inaan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo caddaalad ku dhisan.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.