Home Wararka Gudaha Guddoomiye Aadan Madoobe “Maanta waxii ka dambeeya go’aan cad ayaan ka gaari...

Guddoomiye Aadan Madoobe “Maanta waxii ka dambeeya go’aan cad ayaan ka gaari doona Xildhibaanada Gedo”

262
0

Arbaco 4-ta May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka ay uga arrinsanayeen hanaanka loo wajahayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in shaqada ugu weyn ee hortaala Baarlamaanka Soomaaliya ay tahay doorashada madaxweynaha in loo qabto si deg deg ah, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in fadhiga Golaha Shacabka Maanta ay wada yimadeen 32-ka Xildhibaan ee lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxa uuna sheegay in aanay qayb ka ahayn kooramka fadhiga Maanta ee Golaha Shacabka iyo diyaarinta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kamid noqoshada Guddigaas maadaama doorashooda khilaaf ka taagan yahay.

“Waxaa nagu dhex jira dad aan xildhibaan wada noqon Karin oo ku yimid nidaam khilaaf ka dhashay, Maanta wixii ka dambeeya ayaa xal ka gaari doonnaa oo waxaa fadhiga imaan doona keliya Xildhibaan sharci heysta” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa horay Shahaadada rasmiga ah siiyay 16-ka Xildhibaan ee lagu doortay Ceelwaaq, xogheynta Golaha Shacabka ayaa sidio kale siiyay Aqoonsiga waxaana lagu hor dhaariyay Guddoomiyihii KMG ahaa ee Goloha Shacabka Cabdisalaan Dhabanacad, lama oga go’aanka rasmiga ah ee uu ka qaadan doonk guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaanada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaareey oo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed si gaar ah indhaha ugu aada hayaan cida noqon doonto Xildhibaanada sharciga ah ee gobolkaasi Gedo ku matali doonta Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.