Home Wararka Gudaha Guddoomiyahii degmada Qoryooleey oo qarax miino lagu dilay

Guddoomiyahii degmada Qoryooleey oo qarax miino lagu dilay

148
0

Talaado 11-ka October 2022, (Qoryooleey-xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax goordhow halkaasi ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Sayid Cali Ibraahim, wararka aan helnay ayaa sheegaya in qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah lala beegsaday xilli uu marayay duleedka degmada Qoryooleey, waxana la geeriyooday qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa ammaanka degmada Qoryooleey ayaa tegay Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka guddoomiyihii degmada Qoryooleey & qaar kamid ah ilaaladiisa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.