Home Wararka Gudaha Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna: Waxaan dooneynaa Ra’iisul wasaare, Ahlu Sunna Guriceel...

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna: Waxaan dooneynaa Ra’iisul wasaare, Ahlu Sunna Guriceel weli way u dhowdahay, wayna joogtaa haddii wadahadal la diidana anagga ayaa…

139
0

(Bohol-Xog-ogaal) Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa arrimo badan uga hadlay wareysi khaas ah oo uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC, wuxuuna ugu horeyn ja hadlay mowqifkiisa ku aaddan xaaladda Galmudug kadib dagaalkii dhawaan dhex maray ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug oo gacan ka helayey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka hadlay mowqifkooda kadib dagaalkii   Guriceel ku dhexmaray xoogagga Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug ayaa waxa uu yiri  “Waxaan sii wadi doonaan fikirkii ay ku shaqeynayeen iyo qaabkii ay u shaqeynayeen oo ahayd inay dadkooda iyo shacabkooda u hiilliyaan mar kasta oo ay uga baahdaan” isaga oo dhinaca kale sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ay  ku dhaliilsan yahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug labadaba.

Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna waxa uu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse waxa uu sheegay inuu ahaa “Mid iyaga lagu soo qaaday”,wuxuuna isaga oo arrintaasi ka sii hadlaya uu yiri “Dagaal ay wadaan dad khaas ah ayuu ahaa, Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, dagaal ma billaabaan mana huriyaan, marka dagaalka la billaabayay siyaaro mashaa’ikhdeenni waaweyneyd ayaan isugu nimid, waan iclaaminnay, waxaana ku iclaaminnay in dowlad iyo shacab intaba loo midoobo Al-shabaab.

“Siyaaradii lafteeda annagoo joogna ayaa weerar nalagu soo qaaday, waxaa nagu soo qaadayMaamulka  Galmudug oo ay kaalmo u ahaayeen ciidanka Soomaaliya oo dhan” ayuu yiri Macalin Maxamuud oo dhinaca kale Eedeyn gaar ah u jeediyay taliyaha guud ee ciidamada xoogga dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay in uu hoggaaminayay dagaalka,wuxuuna intaasi ku sii daray in Khasaaraha ka dhashay dagaalkii guriceel in mas’uuliyaddiisa ay leeyihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug oo wadajir ah”.

“Horta marka hore waxaysan dadku aqoonsaneyn in meesha aan joognay ay ahayd meel aan annagu dowlad ka ahayn 12 sano, muddadaas gudaheedana wax argagixiso la yiraahdo ma soo galin umana soo dhawaanin” ayuu yiri guddoomiyuhu, wuxuuna arrinta ku saabsan ciidan aruursi uu ku tilmaamay “mid laga been sheegayo”, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale sheegay in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay maamulka Galmudug, balse waxa uu intaas ku daray: “Haddii aannaan aqoonsaneyn waxaan oo dhib ahba ma imaan lahayn, waan aqoonsan nahay, waana caddeynay, laakiin ma aha maamulku hadduu noqdo mid ilaalinaya argagixiso. Markaas maamulnimadii ayuu ka baxayaa”.

Sheekh Maxamuud waxaa kale oo uu wareysiga ku sheegay waxaa ka mid ah in Ahlu Sunna ay yihiin xoogagga kaliya ee gobolada dhexe u jooga inay la dagaalamaan Al-Shabaab, waxa uuna ku gacan seyray in arrintaas ay tahay shaqo u taalla dowlad goboleedka Galmudug oo hoos tagta dowladda federaalka,wuxuuna beeniyay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in ay taageero ka helaan dowladda Iiraan iyo maamul goboleedka Puntland, isagoo hadalladaasna ku tilmaamay kuwo lagu qoslo.

“Ahlu sunna guriceel way u dhow dahay, meel bay joogtaa,waxaa  aan uga baxnayna waa in wadahal furmo wadahadalkana waxa aan ku tageynaa labo darajo oo kala ah inay yihiin “Ahlu Sunna iyo inay leeyihiin doorka Ra’iisul wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha, xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa” ayuu yiri macalinka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.