Home Wararka Gudaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer deg deg ah ku tegay hoolka doorashada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer deg deg ah ku tegay hoolka doorashada Afisooni

202
0

Talaado 10-ka May 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah  ku tagay teendhada Afasiyooni  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha  ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.