Home Wararka Gudaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Baraawe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Magaalada Baraawe

33
0

Talaado 30-ka May 2023, (Baydhabo-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose iyadoo halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed  ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in magaalada Baraawe ay ka socoto qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed maadaama gddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka, amniga Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.